Waxaa jira dood xooggan oo ka taagan Puntland oo ku saabsan saameynta uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa, gaar ahaan gabadhiisa, ku leeyihiin siyaasadda gobolka.

Sunday, August, 18, 2024 | Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku tilmaantay riyo inay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka qabato doorasho qof iyo cod ah sannadka 2026. Puntland waxay ku adkaysatay in dalka Soomaaliya aanay gacanta ugu jirin dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo suurtagal ka dhigi karta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu qabto dalka oo dhan.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Garowe isagoo la hadlayay weriyayaasha. Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan hadda ka jirin nabadgelyo iyo amni suurtogal ka dhigi kara qabashada doorasho qof iyo cod ah. Waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku andacoonayo inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah isagoo aan wax muuqda ka qaban xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka.

“Xasan Sheekh isagoo aan wax muuqda ka samaynin ayuu leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan qabanayaa,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. “Hala ogaado, taas macnaheeda waxaa weeyaan, ‘xukunka waan kororsaday’. Inuu xukunkii kororsaday waxaa kuu caddaynaysa markii uu laalay dastuurkii oo uu yiri golayaasha dowladdu ma jiraan.”

Warbixinada la xidhiidha

Wasiirka Warfaafinta Puntland waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu si ku-meelgaar ah ugu wareejiyay awoodda dalka isaga iyo qoyskiisa, gaar ahaan gabadhiisa. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu laalay awooddii Ra’iisul Wasaaraha, taas oo horseedaysa in dalka uu ku jiro xaalad maamul xumo iyo kalitalisnimo.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ka cabanayaan canshuuraha dowladda federaalka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ku soo rogay. Ganacsatadu waxay albaabada u laabeen ganacsiyadooda, iyagoo ka cabanaya gabboodfalka dowladda oo ay sheegeen inay xamili waayeen. Wasiirka ayaa sheegay in dhaqaalaha dalku uu ku jiro xaalad adag, taas oo ka dhalatay siyaasad xumo iyo maamul wanaag la’aanta dowladda.

Eng. Maxamuud Caydiid Dirir waxa uu sidoo kale tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh aan laga filan karin inuu dalka gaarsiiyo doorasho hufan iyo mid xaq ah sanadka 2026. Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu isku dayayo inuu muddo kororsi sameeyo isagoo ka faa’iideysanaya xaaladda amni darrada iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Warbixin

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo aaday xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan sheegay in Soomaaliya aanay dib ugu laaban doonin nidaamka doorashooyinka dadban ee lagu soo doorto hogaamiyayaasha siyaasadda. Madaxweynaha ayaa ballanqaaday inuu dalka gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee hadalkaas ayaa durba laga dareemay shaki iyo walaac ku saabsan suurtogalnimada arrintaas.

Waxaa muuqata in xiriirka u dhexeeya dowlad goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu sii xumaanayo, iyadoo maamulka Puntland uu ku dhaleeceeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka ku wado waddo khaldan. Walaac ayaa laga muujinayaa in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho dadaallada loogu jiro in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hufan oo loo dhan yahay sanadka 2026.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *