Wasiirka Waxbarashada DFS oo Xildhibaannada Puntland Ka Dalbaday Xal Shaqo oo Wadajir ah tasso u dhaxayso DFS & puntland

Wednesday, July, 31, 2024 | Wasiirka wax barashada dowlada fadaraalka soomaaliya Faarax sheekh Cabduqaadir ayaa xildhibaanada ka soo jeedaa maamul goboleedka puntland ayaa ka codsaday inaan keenaan xal ay ku heli karaan qoondada dhanka waxbaashada ay u qoondeeysay doowlada fadaraalka soomaaliya. Wasiirka waxaa uu arintaan kaga hadlay kulan ay yeesheen kulan uu la yeeshay Guddiga Horumarinta Adeegga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Aqalka Hoose.

Wasiir faarax sheekh cabduqaadir ayaa kulanka ka sheegay in maamul goboleedka putland oo si joogta ah oo cad ugu soo horjestaan wax kasta oo ka yimaada dhanka dowlada fadaraalka soomaaliya, iyadoo waxbarashadana ay qeeyb ka tahay arintaan.

Wasiir Faarax sh Cabduqaadir ayaa sheegay in mowqifkaan ay maamulka putland Ay ku taagantahay ay dhibaato ama caqabad ku tahay helitaan xal waara oo lagu hormari kara waxbarasada Gobolka.

Arrintu haddii ay tahay in aan ka hadalno arrimaha ‘waxaan haysta igu filan’ ama ‘sidani ban dan mooday ,’ taasi waa arrin xal lagu heli karo. Hase yeeshee, marka ay timaado ‘waxba ima dhex yaalaan, shir kula gali maayo, wadatashan mayno, anigaana system-kayga leh, wax dowladda Federaalka soo maraya ma doonayo,’ taasi xal malahan,” ayuu yiri Wasiir Faarax, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi iyo wadashaqeyn.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu dhowr jeer Golaha Baarlamaanka ka codsaday inay xal u raadiyaan in ay maamul goboleed ka Puntland ay ogolaato inay qaadato qoondada macallimiinta loogu talogalay dowlad goboleedyada. Waxaa uu tilmaamay in arrimaha waxbarashada aysan wax lug ah ku lahayn khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maamulka Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in waxa kaliya ee ay doonayaan ay tahay in waxbarashada Puntland ay la mid noqoto waxbarashada kale ee dalka soomaaliya, iyada oo la helo fursado siman oo ay ardayda Soomaaliyeed ka faa’iideystaan Meel kasta ama gobol kasta oo ay ka joogaan soomaaliya.

Xildhibaannada ka soo jeedaa dowlad goboleed ka Puntland ee kulanka ka qaybgalay ayaa ku adkeystay in ay aaminsan yihiin in Dowladda Federaalka soomaaliya ay arrimo siyaasadeed u xayirtay mashaariicda badan oo ay ka mid tahay tan waxbarashada ee maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya ilaa $16 milyan. Waxay sheegeen in mashaariicdaas ay xaq u leedahay maamulka Puntland, maadaama ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada guud ee dalka soomaaliya.

Kulankan waxa uu noqday mid lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo is-afgaradka u dhexeeya Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, iyada oo la rajeynayo in xildhibaannada iyo Wasiirka Waxbarashadu ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu hormarin karo waxbarashada Puntland. Wasiir Faarax sheekh cabduqadir ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso xal kasta oo horseedi kara in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh iyo shahaada ka soo baxda wasaarada waxbarashada ee soomaaliya , iyada oo aan loo eegeynin arrimaha siyaasadeed ee taagan.

sanadihii u danbeyaay waxaa soo noq noqoyay khilaafka dhanka wax barasada ee u dhaxeeya DFS iyo maamulka puntland iyadoo oo mararka qaar hawada leesku marin jiray hadala kulul kuwaasoo keeni kara kala fogaansho, hadaladaas oo ay is waydarsan jireen wasiirkii hore ee waxbarshada soomaaliya Abdulahi Godax bare iyo madaxda sare ee maamulka puntlad oo ugu horeeya siciid abdulahi dani.

 Axmed Maxamuud "shaakir" 
Saba media - Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *