Uganda ayaa dhawaan dalab weyn u dirtay Mareykanka, iyagoo weydiisanaya $100 bilyan oo magdhow

Saturday, August, 17, 2024 | Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa Mareykanka ka codsaday magdhow dhan $100 bilyan oo la xiriira khasaaraha ciidamada Uganda ay ka soo gaareen hawlgalka Soomaaliya. Codsigan wuxuu salka ku hayaa doorka ay Uganda ka ciyaartay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ka dambeeyay khasaarooyin badan oo soo gaaray askarta Uganda.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa VOA-da u sheegay in hawlgalka ATMIS uu diiwaan geliyay ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah, kuwaas oo intooda badan ah askar kasoo jeeda dalalka Burundi iyo Uganda.

Muhoozi ayaa yiri, “Mareykanka waxaan ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo doolar oo ah shaqadayada Soomaaliya,” taasoo uu ku xusay in Mareykanka uu ku tiirsanaa askarta Uganda si ay u gaaraan himilooyinka Washington ee Muqdisho, kadib markii Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya sanadkii 1993-kii, kadib markii lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah.

Dagaallo qaraar oo ka dhacay Muqdisho ayaa sababay dhimashada boqolaal askari oo Uganda ka socda, kuwaas oo ka qaybqaadanayay dadaallada looga hortagayo Al-Shabaab ee caasimadda Soomaaliya.

Warbixinada la xadhidha:

Qoraalada uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka General Muhoozi ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Mareykanka uu sii xumaanayo. Mareykanka ayaa dhawaan cunaqabateyn ku soo rogay mas’uuliyiin ka tirsan Uganda kadib markii la ansixiyay sharciga ka hortagga LGBTQ+, taas oo keentay in Mareykanka uu diido maalgashiga Uganda iyo in Uganda laga saaro faa’iidada barnaamijka AGOA, oo u suurta galiya wadamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya inay si cashuur la’aan ah u galaan suuqyada Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *