Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sunday, August, 18, 2024 | Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay hadal uu bartiisa X (horey loo oran jiray Twitter) kusoo daabacay Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, kaasoo uu ku tilmaamay Soomaaliya iyo Somaliland labo waddan oo kala gaar ah.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadalka Safiirka UK mid aan la aqbali karin, wuxuuna ku sifeeyay weerar toos ah oo ka dhan ah Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya. Axmed Macalin Fiqi wuxuu ku adkeystay in mowqifka dowladda Soomaaliya uu yahay mid aan marnaba oggolaan karin in Soomaaliya loo kala qaybiyo labo dal.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Safiir Nithavrianakis uu adeegsaday ereyga “Soomaaliya iyo Somaliland” xilli uu kulan la qaadanayay madaxda hay’adda The HALO Trust, taasoo laga shaqeeyo dhinaca miino-saarka iyo ammaanka.

Warbixinta la xidhiidha:

Safiirka UK, isagoo ka jawaabaya cambaareynta Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa ku adkeystay in mowqifka dowladda UK uu yahay mid adag oo taageeraya midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu intaa ku daray in hadalkiisii hore uu ahaa mid ku saabsanaa shaqada hay’adda The HALO Trust, taasoo ay UK si xooggan u taageerto, loona fahmi waayey siyaabaha qaar.

Hadalkan ayaa markale kiciyay doodo ku saabsan suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland, iyo sida beesha caalamka, gaar ahaan UK, u aragto xaaladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan hoosta ka xarriiqday inaysan marnaba aqbalayn kala qaybsanaan, isla markaana ay tahay in beesha caalamku ixtiraamto midnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *