Qarax xoogan oo ka dhacay Liido Iyo dhawaqa Rasaas xoogan oo la maqlayaay

Saturday, August, 03, 2024 | Qarax Xoogan oo Loo malaynaayo inuu uu yahay qof isku soo xidhay wax yabaha qarxa ama gaadhi laga soo buuxiyay walxa qarxa ayaa Goor dhaweed ka dhacay xeebta Liido ee magalada muqdisho. Qaraxa kadib waxaa la maqlayaay is risaaseen xoogan oo ilaa waqtigaan an la garanaynin cida ay dhax marayso is rasaaseeyntaasi.

Warar hor dhac ah an heleeyna goor dhaweed ayaa shegaayo in Gaadhi ama qof walxa qarxa iska soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee maqaxiya ku yaalo xeebta liido oo ay ku suganyihiin dad aad u fara badan oo ku cawaynayao halkaasn kadibna ay gudaha usoo galeen tira dableey hubaaysan kuwaasoo an ila hada la xaqiijin karin tiradooda rasmiga ah.

Related Post:

Khasaaro isugu jira dhimasha Iyo dhawaac ayaa laga soo shegayaa inuu ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Xeebta Liido ee magalada Muqdisho, Waxaana Halkaas gaaray ciidama gurmad ah & lama kala duwan ee amniga sido kalana waxaa halkaas gaaray gawaarida gurmad ka dag daga ah ee loo yaqaano ambalaas ta kuwasoo oo daabulayaay dhawacyadii iyo dhimashadii ka dhalatay qaraxaasi ka dhacay Xeebta Liido .

Warar horu dhac ah an heleyna aya shegaaya in Qeeyba kala duwan laamaha amaanka soo gaareen goobta ay wax ka dhacaan waxaana laga yaaba in ay soo afjaraan raga lagu tuhmaayo inaay halkaasi ku dhuumaalaysanaan

Axmed Shaakir "Muqdisho"

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *