Qaraamada midoobay ayaa u kordhiyay ATMS waqti dheeraad ah ilaa dhamaadka sanadkaan


Friday,  August,16, 2024 | Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay muddada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December 2024. Go’aankan ayaa lagu gaaray codbixinta qaraarka tirsigiisu yahay 2748, kaas oo si weyn loo taageeray.

Qaraarka ayaa ogolaaday in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan soo daabulidda 12,626 askari ilaa dhammaadka sanadkan. Sidoo kale, waxaa qaraarka lagu dhiirigeliyay deeq bixiyayaasha hore iyo kuwa cusub inay taageeraan ATMIS. Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa maamula Sanduuqa Trust Fund si loo taageero ciidamada amniga Soomaaliya iyo qorshaha la doonayo in lagu bedelo ATMIS, taasoo ujeedadu tahay in Soomaaliya ay awood u yeelato inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu sii wado taageerada saadka ee UNSOS, waxayna go’aamiyeen in la sii wado taageerada 20,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hawlgalo wadajir ah ama isku dubarid la sameynaya howlgalka ATMIS, ilaa 31-ka Diseembar 2024.

Warbixinada la xidhiidha

Kordhinta muddadan ayaa muujineysa sida ay beesha caalamka uga go’an tahay in la xasiliyo Soomaaliya iyo in dalka uu awood u yeesho inuu la wareego mas’uuliyadda amnigiisa mustaqbalka. Taageerada joogtada ah ayaa muhiim u ah dagaalka Soomaaliya ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in la xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo gobolka ka dhacda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *