Madaale Ayaa Wareejiyay Raashin Iyo Buskut Loogu Talagalay Ciidamada Si Loo Taageero Hawlgallada Ay Ku Jiraan


Wednesday, August, 21, 2024 | Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa raashin ka yimid Maamulada Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere ku wareejiyay haweenka hogaaminaya ololaha “Hooyo u Hiili Qaranka” oo loogu talagalay in lagu taageero Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in deeqdan ay qayb ka tahay qorshaha Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo bulshada caasimadda ay ku taageerayaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan ololaha “Hooyo u Hiili Qaranka” oo sahayda qalalan lagu gaarsiinayo ciidamada ku howlan dagaalka sifeynta kooxaha Khawaarijta.

Munaasabadda wareejinta deeqda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax, xildhibaano ka tirsan BFS, iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka.

WARBIXIN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *