Ciidama ATMIS oo dad shacab ah ku Goowracay Deegaanka Buula Mareer Ee Soomaaliya.

Wednesday, July, 17, 2024 | WArarkaka ka imaanaaya Gobolka shabeelada Hoose ee soomaaliya ayaa sheegaya In ciidama Midoowga Afrika ee marka la soo gaabiya loo yaqaana ATMIS, Gaar ahaan kuwa ka socda dalka Ugaandha ayaa  dad shacab ah ku dileen Buula mareer oo ka tirsan shabeelada Hoose. 
Ciidamada ATMIS aa la sheegay inay beer ku taala deegan ka buula mareer ay ugu galeen sadax Ruux, kadib na ay dileen laba ka mid ah markii danbana ay goowraceen, halka qofkii sadaxaad na la sheegay in uu ka baxsaday goob ta isaga oo dhaawac ah.
Gudoomiye Ku xigeen ka arimaha bulshada ee dagmada kuntuwaareey ee ka tirsan gobolka shabelada hoose "Maadeey jaylaani cali" oo ku sugnaa marka uu falkaasi dhacayay Buulo mareer ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ka socday midowga afrika gaar ahaan kuwa ugaandha ay si bareer ah u toogteen laba ruux ee shacabka ahaa kuwaas ku sugnaa Beertaasi markii danbe ay goowracen, Gudoomiyaha ayaa yidhi.

"Ciidama ATMIS waxay sameeynayeen Roondo kadibna sadax daas ruux oo ku sugnaa beerta ayaay ka shakiyeen kadibna waay xabadeyeen oo laba ka mid ah halkii ayay ku dhinteen markii danbe waa ay goowraceen si arxan dara ah kan kalana wuu ka baxsaday goobta asagoo dhawaac ah muda laga joogo laba bilood ka hor ayaa sidaan oo kale waxaay u dileen nin dagaanka ahaa kaasoo ka yimid beertiisa ", sidaasi waxaa yidhi gudoomiya ku xigeenka Arimaha bulshada ee kuntuwaareey maadeey jaylaani cali.
ilaa iyo hada ma jiraano wax war ah oo ka soo baxay dhanka iyo taliska ciidamada midowga africa ATMIS iyo sidoo kala doowlada fadaraalka soomaaliya ee ku aadan dhacdadaan foosha xun taasoo maanta ka dhacday buulo mareer iyo midii kaloo ka sii horeeysay taasoo ay la ar ga gaxeen dadka daganaa Deegankaasi buulo mareer.
Mana ahan markii ugu horeeysay ee ka dhacaan konfurta soomaliya balse xaaladahaan ayaa ku sooo noqnoqday marar badan deeganada ay joogaan ciidamada midoowga afrika ee ATMIS, mana aysan dhici jirin inay ka hadlaan madaxda sare ee dalka iyo maamul goboleedyada sido kalana marar badan ayay ka amuseen Taliska ciidamada ATMIS.
Si kasta ha ahaa xalada ee ehelada dadkaasi la dilay iyo dadka daganaa buulo mareer ayaa ka dalbaday Doowlada fadaraalka ah ee soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee soomaaliya in ay la xisaab tamaan cidamada midowga africa ee Loo yaqaana ATMIS iyo taliskoduba EE ka howl gala koonfurta soomaaliya guuud ahaan gaar ahaana kuwa shabeelada hoose oo marar badan si badheedh cad ah u dilay dad shacab ah oo dagaanaa deeganadaas ama ahaa dad beeraleey ah.

dhacdooyinkaasi xanuunka leh oo ay geeysanayaan ciidamada shasheey ee jooga soomaliya ma ahan mid mar uun dhacda wa mid soo noq noqota marar badan sido kale waxaa mararka qaar ka dhaca duqooyma diyarada kuwaaso lala beegsada dad shacab ah oo masaakiin ah kuwaasoo joogo beerahooda ama ah xoola dhaqata, muda laga jooga 1 isbuuc ka hor duqayma diyarada oo ka dhacay shabelada hoosa waxaa lagu dilay dad masakiin ah oo guryahooda jooga goor fiid ah, dadka dhibka ay soo gaareen waxaa ka mid ah 6 qof ay hal qooys ka wada tirsan .

Axmed shaakir - Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *