Xaafada Islii oo uu ku yaalo mid ka mida ganacsiga ugu xoogan Nairobi, xuduna u ah Soomaalida waxaa ganacsatadu sheegeen inay la kulmayaan cadaadis ay ku hayaan ciidamo ka tirsan dowlada Kenya oo sheegay inay la dagaalamayan waxyaabo ay ku sheegeen korotobaan.

Ciidamadan ayaa iridaha isugu dhuftay xarumo ganacsi, iyaga oo sidoo kale jabiyay kuwa kale oo xirnaa, sida ay BBC u sheegeen guddiga ganacsatada Islii iyo xildhibaanka laga soo doorto deegaankan.

Howlgalkii ugu dambeeyay waxa uu halkaas ka dhacay shalay, markaas oo ay ganacta isula tageen ganacstada iyo xildhibaan Yuusuf Xasan oo dhinac ah iyo askarta fulineysay howlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here