Dabeecadda Yaxya Al-Sinwar, hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qasa, oo Israa’iil ay u aragto maskaxda weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore, ayaa badisay xiisaha wargeyska Ingiriiska ee The Times. kaasoo wareysi la yeeshay sarkaal hore oo ka tirsan nabadsugidda Israa’iil oo baaritaan ku sameeyay Al-Sinwar.

Wargeysku waxa uu warbixin dheer oo uu qoray qoraa George Grills ku yiri, “Hoggaamiyaha xagjirka ah ee Xamaas waxa uu dagaallami doonaa ilaa dhimashada”, mana jirto cid Israa’iil ka mid ah oo kaga aqoon badan Michael Coby oo 150 saacadood su’aalo waydiinayay in ka badan 20 sano ka hor.

Michael Coby, oo 78 jir ah, waa agaasimihii hore ee baaritaannada adeegga amniga gudaha ee Israa’iil ee Shin Bet, waxaa uu sharraxaya Yaxya Sinwar, isagoo leh, “Wuxuu lahaa indho dilaa ah… Wuxuu ii sheegay inuu jeclaan lahaa inuu dhinto isagoo shahiid ah intii uu wareysi bixin lahaa. ”

Al-Sinwar oo 61 jir ah ayaa lagu tiriyaa inuu yahay ninka loogu doonista badan yahay Israa’iil, iyadoo askarta Israa’iil ay ku qaybiyeen guud ahaan Qasa waraaqo ay ku bixinayaan abaal-marin lacageed oo dhan $400,000 qofkii keena xog horseedi karta in lasoo helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here