Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ee ka qayb galayey shirka midowga Afrika ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, ka dib markii ismaandhaaf xagga amaanka ah u soo dhex galay ayaga iyo saraakiisha amniga ee Itoobiya.

Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku eedeysay Itoobiya inay is hortaag ku samaysay wafdigooda inay galaan xarunta shirka midowga Afrika uu ka dhacayey.

Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay dhacdadaas ka caraysiisay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka isgaarsiinta ee Itoobiya ayaa BBC u soo diray qoraal sidan u qoran:

“Xukuumadda Itoobiya waxay si diirran u soo dhoweysay madaxweynaha Soomaaliya, ayadoo la siiyey xushmad buuxda oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid midowga Afrika.

Maadaama aan nahay dalka marti galinaya, xukuumadda Itoobiya waxay mas’uul ka tahay amniga madaxweyneyaasha iyo madaxda dawladaha inta ay dalka joogaan.

Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka amaanka ee ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is hor taagay ciidanka amaanka amaanka ee midowga Afrika.

Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda”.

Taasi waxay ahayd jawaabtii ay Itoobiya ka bixisay eedeynta ay Soomaaliya ku eedeysay in ay iska hor taagtay wafdiga madaxweynaha inay galaan madasha uu ka dhacayey shir madaxeedka Midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here