Waxaa si weyn Baraha Bulshada hadal hayn ugu abuuray hadalo ay jeedisay Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’, kuwaas oo ay taageero ugu muujisay ciyaartooyada matalaysay gobolka Banaadir ee ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo hadda heer gabagaba ah gaaray.

Muuqaalo taageero ah oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Jaawahir oo ku qaylineysa erayo ay kamid yihiin ‘viva Banaadir’, iyaga oo hadal hayn dhaliyay.

Dadka qaar oo ka falciyay muuqaladaas ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa kala qaybin ah. “Guddoomiye Jawaahir Baarqab oo ciyaarihii socday u kala saartay gobol-gobol xiisad qabiileedna ka abuurtay”, ayuu batriisa Facebook ku qoray mid kamid ah dadkii fikirkooda dhiibtay.

Laakiin Jawaahir Baarqab oo BBC-da la hadashay ayaa sheegyay inay iyadu isu aragto “qofkii dhadhanka u yeelay ciyaaraha”, ayna uga dan lahayd inay muujiso in ciyaaruhu yihiin kuwo is dhexgal bulsho ah oo u baahan taageero iyo kaftan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here